Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab oo war kasoo saaray weerarkii Xalane iyo tirada dadka lagu dilay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Xarakada Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyada weerar loo adeegsaday madaafiic oo ay ku qaadeen xerada Xalane oo deegaan u ah xafiisyada hay’adaha caalamiga iyo safaaradaha dowladaha Soomaaliya saaxiibada la ah .

War ka soo baxay taliska ciidanka Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in duhurnimadii maanta ay dagaalyahanada Xarakadu weerar qorsheysan ku beegsadeen xerada Xalane, ayna ku dhufteen ugu yaraan 9 gantaal.

Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab ayaa Idaacadda Andalus ee ku hadasha afka Al-Shabaab u sheegay in qaar ka mid ah gantaallada ay ku dhaceen xafiisyada QM iyo midka AU islamarkaana uu halkaas ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Warbaahinada ku hadlo afka Al-Shabaab ayaa faafiyey in weerarkaan lagu dilay ugu yaraan 6 ruux oo laba ka mid ah ay yihiin Ajaanib cadaan ah, halka sidoo kalena ay sheegeen in lagu dhaawacay ugu yaraan 5 kale oo saddex ka mid ah la sheegay inay ahaayeen shaqaalaha cadaanka ah ee ka howlgala xeradaasi.

Sidoo kale warbaahinada ku hadla Afka Al-Shabaab ayaa sheegay in madaafiicda qaar ay ku dhaceen  maqaayad ku taalla gudaha xerada Xalane oo ay ku nastaan kana cunteeyaan shaqaalaha iyo saraakiisha Qaramada Midoobay iyo kuwa AMISOM.

Ergayga gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan ayaa cambaareeyey weerarkii madaafiicda ahaa ee Maanta lagu qaaday xarunta Qaramada Miidobay iyo AMISOM ee Magaalada Muqdisho ee loo yaqaan Xalane.

War saxaafadeed uu soo saaray ayuu ku sheegay in saacadda Muqdisho markay aheyd 1:15 uu dhacay weerarkaan madaafiicda ayna kusoo dhaceen gudaha Xarunta UN-ka iyo AMISOM gaar ahaan qeybta tas-hiilaadka ayna ku dhaawacmeyn dhawr qof.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this