Deeq A. Posted October 13, 2019 Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya weerar loo adeegsaday madaafiic oo goor dhow lagu qaaday xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho. Madaafiicda oo gaareysa illaa afar ayaa qaarkood la sheegay inay ku dhaceen xarun ay UN-ka ku leeyihiin gudaha Xeradaasi. Ma cadda illaa iyo hadda khasaaraha ka dhashay weerarkaasi, iyadoona feejignan dheeri ah la galiyey weerarka kadib ciidanka AMISOM oo saldhigooda ugu weyn uu ku yaallo halkaasi. Faah faahinta kala soco Radioshabelle.com View the full article Share this post Link to post Share on other sites