Deeq A. Posted October 13, 2019 Wararka ka imaanaya magaalada Wajaale oo ka tirsan gobolka Gibilay ee maamulka Soomaaliland ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay magaaladaasi ay Hawenay dil ugu geysatay nin la sheegay inay horay u kala tageen. Dilkan ayaa ka dhacay bartamaha Suuqa Wajaale, waxaana Haweeneyda la sheegay in dilkaasi ay u adeegsatay Mindi. Ilo dadka deeganka ayaa Shabelle u sheegay in ninka la dilay lagu magacaabi jiray, Maxamuud Ow Jaamac. Waraka ayaa intaasi ku daraya in dilkan uu salka ku hayo Hinaase ama Maseyr, iyadoona sidoo kale falkaasi lagu dhaawacay Haweeney kale oo uu dhowaan marxuumku guursaday. Dilalka la xariira arrimaha Qoyska ayaa inta nadan ka dhasha ismaandhaaf soo kala dhex gala lamaanaha kala tegay iyo kuwa isqaba. View the full article Share this post Link to post Share on other sites