Sign in to follow this  
Deeq A.

Haweeney hubeysan oo dishay Sayigeedii hore

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka ka imaanaya magaalada Wajaale oo ka tirsan gobolka Gibilay ee maamulka Soomaaliland ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay magaaladaasi ay Hawenay dil ugu geysatay nin la sheegay inay horay u kala tageen.

Dilkan ayaa ka dhacay bartamaha Suuqa Wajaale, waxaana Haweeneyda la sheegay in dilkaasi ay u adeegsatay Mindi.

Ilo dadka deeganka ayaa Shabelle u sheegay in ninka la dilay lagu magacaabi jiray, Maxamuud Ow Jaamac.

Waraka ayaa intaasi ku daraya in dilkan uu salka ku hayo Hinaase ama Maseyr, iyadoona sidoo kale falkaasi lagu dhaawacay Haweeney kale oo uu dhowaan marxuumku guursaday.

Dilalka la xariira arrimaha Qoyska ayaa inta nadan ka dhasha ismaandhaaf soo kala dhex gala lamaanaha kala tegay iyo kuwa isqaba.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this