Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Khayre oo Dhagax dhigay xarun muhiim ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane ; Xasan Cali Khayre, ayaa Maanta Dhagax dhigay xarunta Qaran ee gurmadka deg-degga ah oo dabooleysa baahiyaha deg-degga ah ee Bulshada Soomaaliyeed iyo ka hor tagga musiibooyinka

Dhismaha xarunta Qaran ee gurmadka deg-degga ah oo ku timid taladii ay xukuumadda siiyeen mawaadiniintii Soomaaliyeed ee ka shaqeeyay gurmadkii loo sameeyay dadkii waxyeelladu kasoo gaartay qaraxii October 14, 2017, ayuu Ra’iisul Wasaaruhu faray howl-wadeennada ka shaqeynaya in ay sida ugu dhaqsaha badan xarunta u howl geliyaan.

Ra’iisul Wasaaraha oo u mahad celiyay muwaaddiniintii Soomaaliyeed ee keentay fikirka xarungta lagu dhisayo iyo cid kasta oo ka qeyb qaadatay, ayaa sheegay in hoggaanka Dowladda Soomaaliya ay ka go’antahay dhageysiga Shacabka iyo in ay taladooda qaataan si Dowladdu u bixiso adeegyada ay Dadka Soomaaliyeed u baahan yihiin.

Xarunta Qaran ee gurmadka deg-degga ah ee dhismaheeda la Dhagax dhigay ayaa qeyb ka ah qorshaha Dowladdu ay ku dooneyso in Dalka dhan looga hir-geliyo dhammaan adeegyada aasaasiga u ah hagaajinta Caafimaadka iyo nolosha muwaadiniinta Soomaaliyeed.

DH9.jpg 1-2.jpg DH1.jpg DH9-1.jpg DH8.jpg DH7.jpg

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this