Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada Ahlu Sunna iyo kuwa DF oo israsaaseeyey

Recommended Posts

Deeq A.   

Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya, israsaaseyn maanta ciidamada Ahlu Sunna iyo kuwa dowladda ku dhexmartay degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud.

Israsaaseynta ayaa timid, kadib markii ciidanka Ahlu Sunna ay weerareen askarika tirsan ciidanka dowladda ku sugnaa Guriceel, kadibna uu iska hor imaad ka dhacay halkaasi.

Lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalkaasi, balse waxaa la sheegay in ciidamada Ahlu Sunna Waljamaaca ay xabsiga dhigeen askarigii ka tirsanaa ciidamada dowladda.

Xaaladda ayaa hadda kacsan, iyadoona xiisad u dhexeysa labada ciidan ay ka taagan tahay magaaladaasi.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this