Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab oo toogatay mas’uul ka tirsanaa maamulka Jowhar

Recommended Posts

Deeq A.   

 

Al-Shabaab ayaa saacadihii la soo dhaafay xukun dil ah ku fulisay gudddoomiye waaxeed ka tirsanaa maamulka magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/Dhexe.

Marxuumka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray, Cali Cabdullaahi Xasan, wuxuuna ahaa guddoomiyaha xaafadda Buula Sheekh ee magaaladaasi.

Fagaare ku yaalla deegaanka Fiidow oo dhaca xadka gobolllada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ayey ka dhacday toogashada ninkaasi 82 jir ahaa.

Sidoo kale waxa goobta lagu toogtay ku sugnaa xubno sar sare oo ka tirsan Al-Shabaab iyo dadweyne la’isugu yeeray halkaasi.

Maxkamad hoostagta Al-Shabaab ayaa sheegtay in marxuumka uu qirtay dambiyadii lagu soo eedeeyay, islamarkaana lagu fuliyey xukun dil toogasho ah.

Dhanka kale ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka degmada Jowhar oo ku aadan dilka ninkaasi.

Al-Shabaab ayaa inta badan xukuno kala duwan ka fulisa deegaanada ay heysato ee koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this