Sign in to follow this  
Deeq A.

Hindiya Oo Shaacisay Wakhtiga Xayiraada Laga Qaadayo Gobolka Kashmiir

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hindiya)-Waxaa la filayaa in dib uu u soo laabto adeegii isgaadsiinta gaar ahaan taleefanada gacanta lagu qaato ee loo yaqaano Mobile-ka, sida ay shaacisay dowlada Hindiya kadib xayiraad in kabadan laba bilood saaran gobolka Kashmiir.

screen-0-1024x576.jpg

Afhayeenka dowlada Rohit Kansal ayaa sheegaya in xukuumada Delhi ay qaadatay go’aankan kadib dib u eegis lagu sameeyay xaalada amni ee gobolka Himalayan.

Dhamaan taleefanada gacanta iyo kuwa guryaha ayaa si caadi ah u shaqeyn doona maalinta Isniinta ah ayuu yidhi kadib shir Jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Delhi.
Hogaamiyaha xukuumada Islamabad ayaa sheegay in dhiggiisa Hindiya Narendra Modi uu khalad weyn galay markii uu xayiraada saaray gobolka Kashmiir ee dhanka Hindiya oo ay ku nool yihiin muslimiinta ugu badan dalkaas.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this