Deeq A. Posted October 13, 2019 Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax lagu dilay askar Kenyaan ahaa oo saacadihii la soo dhaafay ka dhacay xadka kala qeybiya dalalka Soomaaliya iyo Kenya. Qaraxa oo ahaa nooca miinada dhulka lagu aaso ayaa lagu soo warramayaa in lala eegtay ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Kenya, xilli ay wadeen howlgallo amni xaqiijin ah. Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegay in qaraxaasi lagu dilay illaa 10 askari, sidoo kalena lagu dhaawacay tiro kale. Al-Shabaab oo sheegatay masuuliyadda qaraxaasi ayaa baahisay inay khasaaro lixaad leh ku gaarsiisay ciidamada dowladda Kenya. Muddooyinkii dambe dagaalyahannada Al-Shabaab ayaa kordhiyey weerarada ay ka fuliyaan gudaha Kenya, gaar ahaan deegaanada dhaca xadka Soomaaliya. View the full article Share this post Link to post Share on other sites