Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne TRUMP oo lagu cambaareeyey cunsuriyeyntii Soomaalida Minneapplis

Recommended Posts

Deeq A.   

Minneapplis (Caasimada Online) – Madaxweynaha dalka Mareykanka, Donald Trump ayaa dhaleeceyn xoogan la kulmay, kadib markii uu ka hor yimid soo dhoweynta qaxooti badan oo Soomaali ah.

Xisbiga Dimoqraadiga ee Minnesota, muslimiinta iyo ururo kale oo caalami ah ayaa camnaareyn culus u jeediyey Madaxweyne Trump, waxaana ay ku eedeeyeen inuu ku dhawaaqay hadallo gef ah.

Madaxa fulinta golaha xiriirka Mareykanka iyo Islaamka, Nihad Awad oo ah oo la hadlay warbaahinta gudaha dalkaasi ayaa sheegay in Trump, isagoo ah Madaxweynihii dalka uu sameeyey midabtakoor, ayna tahay wax laga xumaado.
Awad ayaa intaasi ku daray in dadka Cadaanka ahi ay soo dhoweeyeen falka cunsuriyeynta ah ee ku dhaqaaqay Madaxweynuhu.

“Waxaas oo dhan waxa ka sii murugsan in dhagaystayaasha cadaanka ahi ay soo dhoweeyeen cunsuriyadda iyo in hoggaamiyeyaasha siyaasadeed ee Jamhuuriga ay aamusaan ama xitaa ay taageeraan fowdada noocaas a.,” ayuu yidhi Awad.

Ugu dambeyn Jacob Frey oo ah Duqa magaalada Minneapolis ayaa tilmaamay Trump uu noqday nin xumaaday, islamarkaana u gefay dadka soo galootiga ah.

Mr Frey ayaa sidoo kale qoraal kooban oo uu soo dhigay bartiisa twitter-ka ku sheegay in ogolaansho la siiyay soo galootiga, laguna soo dhoweynayo magaaladiisa Minneapolis.

Caasimada Online
Xafiiska Minneapplis
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this