Sign in to follow this  
Deeq A.

Banaanbax ka dhan ah caleema saarkii Axmed Madoobe oo ka dhacay gobolka Gedo

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (Caasimada Online) – Dibadbax ballaaran oo laga soo horjeedo maamulka Jubbaland, gaar ahaan xafladdii caleema saarka ee Axmed Madoobe ayaa maanta ka dhacay gudaha degmada Garbahaarey xarunta gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya.

Banaanbaxa oo ay soo abaabuleen waxgradka Garbahaarey ayaa waxaa ka qeyb gala boqolaal dadweyne ah, kuwaas oo ku qeylinayey erayo ka dhan ah Axmed Madoobe.

Qaa ka mid ah dibadbaxayaasha oo la hadlay warbaahinta ayaa eedeyn u jeediyey dhammaan mas’uuliyiintii ka qeyb galay munaasabadaasi, gaar ahaan Madaxweynayaashii hore, Xasan Sheekh Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed.

Sidoo kale dibadbaxayaasha ayaa sheegay inay si weyn uga soo horjeedaan dooraashadii ka dhacday Kismaayo, iyagoo tilmaamay inay aheyd mid sharci darro ah.

Maamulka Axmed Madoobe ayaa degmooyin iyo deegaano ka tirsan gobolka Gedo ku laheyn wax taageero ah, tan iyo markii uu qabtay hoggaanka Jubbaland.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this