Sign in to follow this  
Deeq A.

Somaliya iyo Qatar oo kasoo horjeestay bayaan kasoo baxay jaamacadda Carabta

Recommended Posts

Deeq A.   

Soomaaliya iyo Qatar ayaa diiday inay ka qeyb galaan bayaan ay qoreen wadamada ku jira jaamacadda Carabta, kuwaas oo cambaareeyay qabsashadii Turkey ee Waqooyiga Siiriya.

“Soomaaliya waxay garab taagantahay walaalaheeda Turkey dagaalka ay kula jirto argagixisada Kurdiyiinta ee Waqooyiga Siiriya.” ayaa lagu yidhi war kasoo baxday dowladda federalka.

Wasiirrada arrimaha dibadda ee Jaamacadda Carabta ayaa dhalleeceeyay gelitaanka millatari ee Turkiga ee waqooyiga Suuriya.

Xoghayaha guud ee Ururka jaamacadda Carabta, Ahmed Aboul Gheit, wuxuu sheegay in ay ugu baaqayaan Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay inay tallaabo ka qaadaan Turkiga.

Kulan ka dhacay Sabtidii Qaahira, Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta Axmed Aboul Gheit wuxuu ku tilmaamay tallaabada militari ee Turkiga “duullaan” iyo “gardarro” ka dhan ah dowlad carbeed.

Wuxuu sheegay in Jaamacadda Carabtu ay cambaareyneyso duulaanka isla markaana aysan dunidu aqbalin, midkoodna, maadaama ay ka soo horjeeddo qawaaniinta caalamiga ah.

Puntland Post

The post Somaliya iyo Qatar oo kasoo horjeestay bayaan kasoo baxay jaamacadda Carabta appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this