Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Trump oo cambaarayn kala kulmay Cunsuriyaynta Somalida Minneapolis

Recommended Posts

Deeq A.   

Xisbiga Dimoqraadiga ee Minnesota, muslimiinta iyo ururo kale ayaa dhaleeceeyay madaxweyne Donald Trump, oo kahor yimid soo dhoweynta qaxooti badan oo Soomaali ah, waxayna ugu yeereen madaxda Jamhuuriga inay ku guuldaraysteen inay dhaleeceeyaan hadalada Trump ee gefka ah.

Nihad Awad, oo ah madaxa fulinta ee Golaha Xiriirka Mareykanka iyo Islaamka, ayaa sheegay midabtakoorka Trump in uu yahay tusaalayaashii ugu dambeeyay ee dadaalkiisa ah in ummadda loogu qeybiyo faa iidadiisa siyaasadeed.

Magaalada Minneapolis, oo ay ku noolyihiin Soomaalida ugu badan ee dalka Maraykanka ayuu madaxweyne Trump su’aal galiyay saameynta ay ku yeelan doonaan iskuulada, bulshada iyo canshuur bixiyeyaasha.

“Waxaas oo dhan waxa ka sii murugsan in dhagaystayaasha cadaanka ahi ay soo dhoweeyeen cunsuriyadda iyo in hoggaamiyeyaasha siyaasadeed ee Jamhuuriga ay aamusaan ama xitaa ay taageeraan fowdada noocaas ah,” ayuu yidhi Cawad.

Duqa magaalada Minneapolis Jacob Frey, ayaa Trump ugu yeeray “nin xumaaday wuxuuna bartiisa twitterka kusoo qoray in ogolaansho la siiyay soogalootiga laguna soo dhoweynayo Minneapolis.

“Soogalootiga iyo qaxootiga waxay gacan ka gaysteen in gobolkeenu ka dhigaan meel cajiib ah oo lagu noolaado laguna shaqeeyo,” ayuu ku soo qoray boggaga Demuqraadiga, Sen. Amy Klobuchar, oo u tartamaya xilka madaxweynaha.

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Trump oo cambaarayn kala kulmay Cunsuriyaynta Somalida Minneapolis appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this