Deeq A. Posted October 13, 2019 Hargeysa (Caasimada Online) ― Midowga Yurub ayaa sii xoojinaya taageerada maaliyadeed ee uu siiyo Hay’addaha garsoorka xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi. Safiirka Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya, Nicolás Berlanga Martinez oo maalmahan booqasho shaqo ku joogay Somaliland, ayaa waxa uu kulan la qaatay Guddoomiyaha Maxkamadda sarre ee Somaliland, Aadan Xaaji Cali. Kulankaasi oo ay Guddoomiyaha ku wehlinayeen Saraakiil kale oo ka tirsan Maxkamada Somaliland, ayaa waxa lagaga hadlay sidii loo xoojin lahaa wada-shaqeynta labada dhinac ee ku aadan Garsoorka iyo Cadaalada. Kulankaasi ayaa sidoo kale waxa lagaga hadlay qabsoomida doorashooyinka Somaliland iyo kaalinta Maxkamadda sarre ee Somaliland kaga aadan doorashooyinkaasi. Guddoomiyaha Maxkamadda sarre ee Somaliland, ayaa ugu dambeyntiina si weyn uga mahad-celiyay taageerada maaliyadeed ee Midowga Yurub uu la garab joogo Hay’adaha garsoorka Somaliland. Si kastaba, Garsoorka Somaliland ayaa mudooyinkii dambe waxa dul hooganayey eedeymo balaadhan oo ku aadan daacadnimada Hay’adaasi, midaasi oo dad badana ay ka muujiyeen kalsooni daro baahsan dacwadaha ay u gudbiyaan Maxkamadaha. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com Share this post Link to post Share on other sites