Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab oo 10 askari ku dishay qarax ay ka fulisay gudaha waddanka Kenya

Recommended Posts

Deeq A.   

Nairobi (Caasimada Online) – Ugu yaraan 10 askari oo boolisk Kenya ah ayaa lagu dilay qarax haleelay baabuurkooda oo marayey meel u dhow xuduudda Soomaaliya sabtidii, sida lagu sheegay warbixin kasoo baxday booliska oo ay heshay wakaaladda wararka Reuters.

Booliska ayaa rumeysan in miinada dhalisay qaraxa ay aaseen dagaal-yahannada kooxda Al-Shabaab ee Soomaaliya, sida lagu sheegay warbixinta.

Bayaan kale oo kasoo baxay booliska ayaa lagu sheegay in dhowr sarkaal ay ka mid yihiin dadka dhintay, inkasta oo aan la shaacin tiro rasmi ah.

War lagu baahiyey warbaahinta Al-Shabaab ayey xarakada ku sheegatay masuuliyadda weerarka, iyadoo sheegaty in guutooyinka kooxda ee ka howlgala dhulka NFD ay ku guuleysteen inay fuliyaan howlgal guuleystay.

Sida ay sheegtay Al-Shabaab qaraxa, oo lala eegtay gaari ay wateen ciidamda Kenya, ayaa ka dhacay meel u dhow magaalada Libooya ee Mandheera, waxaana uu “ku burburay gaari dagaal.”

Qaraxan ayaa ah mid ka mid ah kuwii ugu dhimashada badnaa ee ciidamada Kenya ku gaaray gudaha dalkooda, halkaasi oo kooxda Al-Shabaab ay inta badan weeraradeeda ka fuliso gobolka waqooyi bari iyo kan xeebta.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this