Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Deni oo Villa Somalia ka dalbaday in ay xorriyaddiisa dib ugu celiso wasiirkii Amniga Jubaland

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka dalbaday xukuumadda Federaalka Soomaaliya in ay xorriyaddiisa dib ugu celiso wasiirkii Amniga Jubaland Cabdirashiid Xassan Cabdinuur (Janan) oo Muqdisho ku xiran.

Wasiir Janan oo sida Villa Somalia sheegtay ku eedaysan denbiyo ka dhan ah banii’aadanimada ayaa 31-dii Ogoosto ee sannadkan Booliiska Soomaaliya ku xireen magaalada Muqdisho xilli uu ku sii jeeday waddanka Ethiopia.

Madaxweyne Deni ayaa wasiir Janan ku amaanay in uu mudda dheer ka soo shaqeeyay hirgelinta iyo dhismaha dowlad goboleedka Jubaland islamarkaana uu kaalin muhiima ka qaatay amniga Jubaland iyo la’dagaallanka argagixisada.

Mudane Deni ayaa tilmaamay in Janan uu yahay shakhsi aan xarig mutaysan balse abaal-marin ka mudnaa umadda Soomaaliyeed maadaama uu dawr weyn ka qaatay nabadda iyo cirib-tirka argagixisada.

Sidoo kale wuxuu sheegay in cid kasta oo isku hawsha hirgelinta nabadda ay qaladaad ka dhacayaan sidaasi darteedna ay muhiim tahay in loogu cudur-daaro maadaama ay wanaag ka ahayd.

Halkaan ka daawo hadallada madaxweynaha

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Deni oo Villa Somalia ka dalbaday in ay xorriyaddiisa dib ugu celiso wasiirkii Amniga Jubaland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this