Sign in to follow this  
Deeq A.

Nabadda Ceel-afeeyn

Recommended Posts

Deeq A.   

KA DAAYA GAWAANTA
GEED-SARE WAABKA!!!

Horta saw colaadda Ceel-afweyn ee la furdaamin kari waayey, markii hore, kama ay dhex hulaaqin Baho oo Biciide ka tirsan iyo Iddarays oo Sacad Yoonis ah?

Haddii labadaas raas hadda garteen in ay heshiiyaan saw sidii loo baahnaa ma aha?

Biciide intiisa kale iyo Sacad Yooniska kale, saw in ay taas soo dhoweeyaan oo taageeraan ma aha? Saw intii East Burco Clan iyo Habar Yoonis iyo Somaliland oo dhami ay tafaxaydnayd nabaddu ma aha?

Sidaas ayaa maangal u muuqata, hase yeeshee qolyaha taas saluugga ka muujinaya ee dagaalka ka xigaa maxay qoonsadeen ama ay doonayaan?

Galku seefta ma le’eka, uma na eka!

Waxa ay ii la muuqataa in colaadda laga daayo geed-sare waabidda haddii laga maarmay in loo goleeyo.

Uma baahna arrinta Ceel-afweyn in la Biciideeyo, Muuse Abokoreeyo ama la Habarjecleeyo, la Sacad Yooniseeyo, la Habar Yooniseeyo ama la Garxajiseeyo!

Haddii ay ku dhammanayso Baho iyo Iddarays oo heshiiya inteenna kale aynu kula tuun tuunsanno in goolkaasi dhasho oo aanu shebegga seegin, guushuna waa inoo dhex oo waa nabadda oo xasisha uun. Ma jirto guul ka weyni.

Laga wanaagsan in madaxdhaqameedku qaadaan dhabbihii isu muuqdashada ee siyaasiyiinta xadhig-maranta ah ee aan cilinkooda la saarin.

Afka iyo codka salaadiintu ma aha colaad-ku-dholol iyo dhiig daata baan ka xigaa, waa se nabad-ku-baaq iyo samatalis! Sidaas baa lagu soo caanamaalay.

Baho iyo Iddarays waa la kala guri karaa si ka sahlan si kasta oo kale mar haddii cidda fidmadu ka dhex qaraxday iyaga ahayd, haddana ay furdaaminteedu doorkooda ka timi oo ay nabad u heellan yihiin.

Nin baa laga hayaa “nin dhintay uma talin aqaane, nin nool baan u taliyaa”.

Maxamed Baashe X. Xasan mohamedbashe@hotmail.com

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this