Sign in to follow this  
Deeq A.

Faah faahinno ka soo baxaya qarax ka dhacay Jasiira

Recommended Posts

Deeq A.   

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qarax maanta ciidamo ka tirsan kuwa dowladda, gaar ahaan kuwa loo yaqaano Alpha Group lagula eegtay duleedka magaalada Muqdisho.

Qarax oo aha nooca miinada ayaa ciidamadan oo watay gaari Cabdi Bile ah ah lagula eegtay deegaanka Jasiira, sida au Shabelle u xaqiijiyeen ilo deegaanka ah.

Sidoo kale wararka auaa sheegaya in ciidamada la qarixyey ay ka soo ambabaxeen deegaanka Lambar Konton ee gobolka Shabeelaha Hoose, kuna soo jeedeen Muqdisho.

Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda qaraxaasi, sida ay ku baahisay baraheeda Internet-ka.

War ka soo baxay Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in qaraxaasi lagu dilay illaa shan askari oo ay ku jiraan saraakiil ciidan, sida ay hadalka u dhigtay.

Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka saraakiisha ciidamada dowladda oo la xariira qaraxaasi miino.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this