Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada dowladda oo howlgallo ka wada Sh/ Dhexe

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidamada Milatariga Soomaaliya ayaa lagu soo warramayaa in maanta ay howlgallo ka wadaan qeybo ka mid ah gobolka Shabeelaha Dhexe ee maamulka HirShabelle.

Howlgallada oo ah kuwa ballaaran ayaa waxa ciidanku ka wadaan deegaano u dhexeeya degmooyinka Balcad iyo Jowhar ee gobolkaasi.

Saraakiisha hoggaamineysa baaritaanadan ayaa sheegay in u jeedka u yahay, sidii loo xaqiijin lahaa amniga waddada u dhexeysa Jowhar iyo Balcad ee gobolka Sh/Dhexe.

Sidoo kale howlgalladan ayaa ku soo aadaya, iyadoo shalay saraakiil ka tirsanaa HirShabelle lagu dilay nawaaxiga magaala madaxda HrShabelle ee Jowhar.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this