Sign in to follow this  
Deeq A.

Odowaa iyo Kamaal Guutaale oo ka horyimid magacaabista guddiga farsamada Galmudug

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhuusamareeb (Caasimada Online ) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Odowaa) iyo siyaasiga Kamaal Daahir Xasan (Guutaale) oo ka mid ah Musharraxiinta sanadkan u taagan hoggaanka Galmudug ayaa si weyn uga horyimid guddiga farsamada maamulkaasi oo ay dhowaan magacowday wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya.

Labada Musharrax oo si wadajir u soo saaray war qoraal ah ayaa sheegay in hanaanka loo maray guddigaasi uu hareer marsanyahay Dastuurka Galmudug iyo shuruucda dalka.

Sidoo kale waxa ay sheegeen in xubnaha kala bar ay ka tirsan yihiin shaqaalaha rayidka ah ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Odowaa iyo Guutaale ayaa sidoo kalee qoraalkooda ku sheegay in xubnaha qaar ay la shaqeynayeen Musharrax Qoor Qoor oo la sheego inay wadato xukuumadda Soomaaliya.

Ugu dambeyn waxa ay warkan ku sheegeen in dhismaha guddigan aan laga talogelin Ururka Ahlu Sunna Waljamaaca, ayna kala dhalan karto xasilooni darro siyaasadeed.

Halkan hoose ka aqriso:

11.jpg

22.jpgCaasimada Online
Xafiiska Dhuusamareeb
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this