Deeq A. Posted October 12, 2019 Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya shil geystay khasaare xoogan oo saacadihii la soo dhaafay e ka dhacay duleedka magaalada Berbera ee Somaliland. Shilka ayaa yimid, kadib markii ay isku dhaceen gaari weyn oo siday qaad iyo gaari rakaab ah oo ay la socdeen dad shacab ah.. Ugu yaraan illaa 10 qof ayaa ku dhintay shilkaasi, halka ay ku dhaawacmeen 14 kale, sida ay xaqiijiyeen mas’uliiyiin ka tirsan maamulka Somaliland. Dadka ku dhintay shilkan ayaa afar ka mid ah waxa ay ahaaayeen dumar, halka lixda kale ay yihiin Rag. Waa shilkii ugu khasaaraha badan ee sanadkan 2019-ka gudihiisa ka dhaca deegaanada Somaliland. View the full article Share this post Link to post Share on other sites