Deeq A. Posted October 12, 2019 Dagaal xooggan oo u dhaxeeyey ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya iyo sidoo kale Al-shabaab ayaa ka dhacay deegaan u dhaxeeya magaalada Jowhar iyo sidoo kale deegaanka Xawaadley ee gobolka Shabellaha Dhexe. Ciidanka xoogga dalka ayaa la sheegay iney duulaan ku ahaayeen deegaanno ay ku sugnaayeen Al-shabaab, hase ahaatee waxaa la tilmaamay in jidka u galeen dagaalyahanno Al-shabaab ah. Weerarkan waxaa ku dhintay saraakiil ciidanka xoogga dalka ah oo uu ka mid ahaa Dhame Xaaji Cabdi Xaaji Xasan Cali, waxaana jira dhaawac ku dhow Shan. Dhanka Al-shabaab lama oga khasaaraha soo gaaray, hase ahaatee dagaalka halkaasi ka dhacay ayaa ahaa mid xooggan sidey inoo xaqiijiyeen saraakiil ku sugan Jowhar. Al-shabaab ayaa kordhiyey weerarada ka dhanka ah ciidanka xoogga dalka, gaar ahaan kuwa ku sugan gobollada Shabeelooyinka. Warkaan wixii kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites