Sign in to follow this  
Deeq A.

Saraakiil ka tirsan HirShabelle oo lagu dilay Sh/Dhexe

Recommended Posts

Deeq A.   

Afar ka mid ahaa saraakiisha ciidamada Maamulka HirShabelle ayaa waxaa saacadihii la soo dhaafay lagu dilay duleedka M/ Jowhar ee xarunta gobolka Shabeelaha Dhexe.

Saraakiishan ayaa waxaa lagu dilay weerar gaadma oo ka dhacay tuulada Mandheere oo 8km u jirta magaaladaasi.

Wararka ayaa sheegaya in saraakiisha oo shaqadooda ku guda jira ay si lama fillaan aheyd u soo weerareen dagaalyahannada Al-Shabaab, halkaasina ay ku dileen,

Saraakiishan la dilay ayaa waxaa ka mid ah ky xigeenkii taliyaha ilaalada Madaxweynaha HirShabelle, oo lagu magacaabi jiray Cabdi Xasan Dhiilow iyo saddex sarkaal oo kale oo ka tirsan ilaalada Madaxtooyada maamulkaasi.

Taliyaha Booliska HirShabelle, Xasan Dhicisow oo la socday ciidanka la weeraray ayaa la soo sheegaya in uu ka mid yahay raggii ka badbaaday weerarka uuna dib ugu laabtay magalada Jowhar.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in dagaalyahannada Al- Shabaab ay dib uga bexeen tuuladaasi oo markii dambe ay gaareen ciidan xoogan oo ka tirsan Hirshabelle.

Al Shabaab ayaa muddooyinkii ugu dambeeyey culeys soo saaray gobolka Shabeelaha Dhexe, kadib markii weeraro khasaaro badan geystay ay dhowaan ka fuliyeen halkaasi.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this