Sign in to follow this  
Deeq A.

Mareykanka oo $50 milyan ugu deeqay Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Mareykanka ayaa Soomaaliya ugu deeqday lacag gaareysa $50 Milyan oo sare loogu qaadayo waxbarashada dadka aan fursadaha waxbarasho nasiibka u yeelan.

Agaasimaha xaafiiska warfaafinta madaxtooyada Soomaaliya, Cabdinuur Maxamed Axmed ayaa bartiisa Facebook-ga kusoo qoray in lacagtaas ay dowladda Mareykanka ay ku taageertay Barnaamijka Bar ama Baro oo ay hindistay wasaaradda waxbarashada Soomaaliya.

“Dowladda Mareykanka ayaa ku dhawaaqday in Barnaamijka Waxbarashada ee BAR ama BARO ay ku taageereyso lacag gaareysa $50 Milyan” ayuu yiri Agaasime Cabdinuur.

Agaasimaha warfaafinta Villa Somalia Cabdinuur ayaa qoraalkiisa ku soo gaba-gabeeyay “Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeedba waxay abaal uga hayaan dalalka saabiixada ah taageerada joogtada ah ee ay ku bixiyaan dhismaha iyo xoojinta hay’adaha dowladda”.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this