Sign in to follow this  
Deeq A.

Hanti-Dhowraha Qaranka oo shir uga qeyb galaya Ruushka

Recommended Posts

Deeq A.   

Hanti-Dhowraha Guud ee Qaranka Mudane Maxamed Maxamud Cali oo ka qeyblaya shirka INCOSAI-2019 ee ka dhacaya dalka Ruushka ayaa warbixin kooban oo uu bixiyey ku sheegay in Soomaaliya ay sannadkan 2019 qaadatey habraaca baarista casriga ah oo ay Hanti-Dhowrada Adduunku ku dhaqmaan.

Wuxuu kaloo Hant-Dhowruhu sheegay in XHGQ kala shaqeeyey Wasaaradda Maaliyadda qaadashada & ku dhaqanka habraaca warbixin Maaliyadeedka loo yaqaan (IPSAS Cash Based). Waa guul usoo hoyatey Soomaaliya oo la doonayo in horey loo sii dhaqaajiyo ayuu yiri Hanti-Dhowraha Qaranka Soomaaliya.

Qar ka mid ah Dowladaha ka qeyb galaya shirkaasi ayaa soo dhaweeyay horumarka ay soomaaliya ka sameysay dhinaca Baarista iyo la dagaalanka Musuq maasuqa,

Hanti-Dhowraha Guud ee Qaranka ayaa sidoo kale kulamo gaar gaar ah la qaatey dhiggiisa waddamada Turkey, Finland, UAE, KSA, & hay’adaha AFROSAI-E & ARABOSAI oo ay Soomaaliya xubin nimadeeda dib usoo ceshatey, isagoo kala hadley sidii loo xoojin lahaa iskaashiga & taagerada xirfadda farsamo oo ay wadaaga kula yihiin Soomaaliya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this