Sign in to follow this  
Deeq A.

Ammaanka Kismaayo oo saaka la adkeeyey

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka naga soo gaaraya Kismaayo ayaa sheegaya in saaka si weyn loo adkeeyey amniga guud ee magaaladaasi.

Ciidamo dheeraad ah oo ka tirsan kuwa Jubbaland ayaa la soo dhoobay waddooyinka muhiimka ah ee Kismaayo.

Sidoo kale ciidamada ayaa hakad galiyey dhaq dhaqaaqa shacabka ku dhaqan magaaladaasi, si loo xaqiijiyo nabad geylyada.

Arrintan ayaa ku soo aadeysa, iyadoo la filayo in saacadaha soo socda xafladda caleema saarka, Axmed Madoobe ay ka dhacdo halkaasi.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this