Sign in to follow this  
Deeq A.

Masuuliyiin ka tirsan Puntland, Isimo iyo Waxgarad kale oo ka qayb galay Caleemo Saarka Nabadoon Nuur Jaamac Raage

Recommended Posts

Deeq A.   

Munaasabad ballaaran oo maanta ka dhacday magaalada Garoowe ayaa lagu Caleemo saaray Nabadoon Nuur Jaamac Raage oo ka mid noqday duubabka dhaqanka ee Puntland.

Xafladda oo ahayd mid si heer sare ah loosoo agaasimay waxaa ka qayb galay Guddoomiye ku xigeenka Kowaad ee Baarlamaanka Puntland Mudane Abukaate Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan, Islaan Ciise Islaan Maxamed, Duqa degmada Garoowe Axmed Barre, guddoomiye ku xigeenka gobolka Nugaal, Nabadoono, Xildhibaano, Siyaasiyiin, Ganacsato, dhalinyaro iyo marti sharaf kale.

Ganacsade Jaamac Dhaga-dheere oo kamid ah ganacsata Puntland oo ugu horay munaasabada ka hadlay ayaa si wayn u soo dhaweeyay ka soo qaybgalayaasha xaflada , waxa uu sheegay in howshaan muddo ay soo soo socotay, Nabadoon Nuur ayuu tilmaamay in ugu danbayn beeshu ka garatay in la caleemo saaro, hadana loo fadhiyo ansixintiisa.

Nabadoono, Siyaasiyiin, Xildhibaano iyo guddoomiyayaasha degmooyinka Dangaroyo iyo Garoowe oo Munaasabadda ka hadlay ayaa si wayn u soo dhaweeyay Nabadoonka Cusub ee Caleemo saaray, waxay tilmaameen inuu yahay shakshi hufan oo daacad ah, isla markaana ay diyaar u yihiin inay la shaqeeyaan.

Nabadoon Nuur Jaamac Raage oo ah Nabadoonka la caleemo saaray ayaa u mahadceliyay cidkasta oo munaasabadda ka qayb gashay, waxa uu tilmaamay in xilkaan beeshiisu u garatay, sidoo kalena uu horay ugu shaqayn jiray arimaha nabadaynta, waxaana uu codsaday in laga gacan siiyo howsha loo igmaday oo lagu taageero.

Guddoomiye ku xigeenka Kowaad ee Baarlamaanka Puntland Mudane Abukaate Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan ayaa sheegay inuu soo dhawaynayo nabadoonka, waxa uu ku baaqay in lala shaqeeyo oo gacan lasiiyo, si uu u guto shaqada loo igmaday.

Islaan Ciise Islaan Maxamed oo Munaasabadda soo xiray ayaa soo dhawayn kadib sheegay inuu aqoonsan yahay nabadoonka Cusub Nuur Jaamc, isla markaana uu ka rajaynayo in xilka lagu caleemo saaray uu si wanaagsan u gudan doono.

Nabadoon Nuur Jaamac Raage ayaa si rasmi ah ugu mid noqday Nabadoonada gobolka Nugaal, kadib markii ay soo gudbiyeen nabadoona beesha Axmed Khayr ee Ciise Maxamuud.

1O1A4344.jpg?w=1000&ssl=1 1O1A4366.jpg?w=1000&ssl=1 1O1A4370.jpg?w=1000&ssl=1 1O1A4372.jpg?w=1000&ssl=1 1O1A4382-1.jpg?w=1000&ssl=1 1O1A4393.jpg?w=1000&ssl=1 1O1A4400.jpg?w=1000&ssl=1 1O1A4409.jpg?w=1000&ssl=1 1O1A4471.jpg?w=1000&ssl=1 1O1A4495.jpg?w=1000&ssl=1 1O1A4440.jpg?w=1000&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Masuuliyiin ka tirsan Puntland, Isimo iyo Waxgarad kale oo ka qayb galay Caleemo Saarka Nabadoon Nuur Jaamac Raage appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this