Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidanka amniga Puntland oo fashiliyay Miinooyin lagu aasay Galgala iyo Balikhadar

Recommended Posts

Deeq A.   
71884067_672322276595514_455584797754078

Ciidanka amniga Puntland ee PSF ayaa ku guulaystay in ay ka saaraan waddada u dhexaysa Balikhadar iyo Galgala Miinooyin ay ku aaseen halkaas kooxda Al Shabaab.

Miinooyinkaas ayaa saraakiisha PSF waxay sheegeen in la doonayay in lagu dhibaateeyo ciidamada Puntland ee saldhigyada difaac ku leh aaggaas.

Ciidanka PSF wxay sheegeen inay sii wadi doonaan hawlgallada lagu curyaaminayo khatarta kooxaha argagixisada ah ee ku sugan Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya.

Alshabab ayaa horey ciidamo iyo saraakiil katirsan ciidanka difaaca Puntland ku dilay kuna dhaawaceen Miinooyin ay ku qariyeen waddooyinka ciidamadu adeegsadaan.

PUNTLAND POST

The post Ciidanka amniga Puntland oo fashiliyay Miinooyin lagu aasay Galgala iyo Balikhadar appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this