Sign in to follow this  
Deeq A.

Dagaal lagu dilay Taliyihii ilaalada MW ku-xigeenka Hir-Shabeelle iyo askar kale oo ka dhacay duleedka Jowhar

Recommended Posts

Deeq A.   

Jowhar-(Caasimada Online)-Ciidamo ka tirsan maamulka Hir-Shabeelle, gaar ahaa ilaalada khaaska ah ee madaxweyne ku-xigeenka Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe iyo Al-Shabaab ayuu galabta dagaal culus ku dhex maray deegaan dhaca koonfurta magaalada Jowhar ee gobolka Shabeellada Dhexe.

Inta la xaqiijiyay lix ruux oo uu ku jiro taliyihii watay ciidanka ayaa Hir-Shabeelle looga dilay dagaalka oo in ka badan saacad ka socday deegaan lagu magacaabo Maandheere oo fatahaad uu ka sameynayay Wabiga Shabeelle.

Cabdi Xasan Cali oo ahaa taliyihii ilaalada madaxweyne ku xigeenka Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe iyo shan askari oo kale ayaa lagu dilay dagaalka.

IMG-20191011-WA0015.jpg

Dagaalka ayaa yimid kadib markii ay ciidamadu galabta gaareen deegaanka Maandheere oo koonfur bari kaga beegan magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hir-Shabeelle.

Ciidamada ayaa halkaas u gaaray sidii ay u xakameyn lahaayeen fatahaad uu Wabiga Shabeelle ka sameynayey deegaankaas, waxaana intii ay ku howlanayeen joojinta fatahaada Wabiga weerar gaadmo ah ku qaaday dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab, waxaana halkaas ka qarxay dagaal culus.

Lama oga inta uu dhanyahay khasaaraha Al-Shabaab ka soo gaaray dagaalka, waxaana goobtii lagu dagaalamay haatan gacanta ku haya maleeshiyada Al-Shabaab.

Dadka ku nool deegaanka uu dagaalku ka dhacay ayaa Caasimada Online u sheegay in Al-Shabaab ay dib u fureen biyo xireenkii ay sameeyeen ciidamada Hir-Shabeelle, isla markaana biyaha uu fatahay Wabigu ay  jareen wadada xariirisa magaalooyinka Balcad iyo Jowhar.

Ciidamadii Hir-Shabeelle ee dagaalka la galay Al-Shabaab ayaa dib ugu soo laabtay magaalada Jowhar oo kolkii horaba ay ka baxeen.

Caasimada Online
Xaafiiska Jowhar
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this