Sign in to follow this  
Deeq A.

Farmaajo Iyo Abiye Axmed Oo Kulan Muhiim Ah Ku Yeeshay Caasimada Itoobiya

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Addis Ababa)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa kulan kula qaatay magaalada Caasimada ah ee Addis Ababa Ra’isul wasaaraha Itoobiya Abiye Axmed kadib safar uu maanta ku gaadhay.

1570720754c5c6c-1024x683.jpg

Mr Farmaajo iyo Abiye ayaa ka wadahadlay arimo ay ka mid yihiin xoojinta xidhiidhka labada dal iskaashiga dhanka amniga iyo dhaqaalaha, waxaana kulanka qeyb ka ahaa wasiirka arrimaha dibadda Mahad Ciise Cawad, iyo Wasiir Kuxigeenka Maaliyadda Cabdullaahi Sheekh Cali.

Socdaalka Farmaajo ayaa yimid kadib casuumaad uu ka helay ra’isul wasaaraha Itoobiya Abiye Axmed.

Mas’uuliyiinta Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa inkabadan sanad dadaal ugu jira sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dhinac tan iyo markii uu xilka la wareegay mr Abiye sanadkii Hore.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this