Sign in to follow this  
Deeq A.

K/Galbeed oo dardargelineysa isla xisaabtanka

Recommended Posts

Deeq A.   

Baydhabo (SMN) – Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ayaa ku dhawaaqay in uu isla xisaabtan adag la geli doono maamulada degaanadda hoos-yimaada.

Wasiiru dowladaha Wasaarada Arrimaha Gudaha maamulkaas, Cabdullaahi Farey, ayaa xusay in hanaankan uu yahay mid ay madaxdu si wadajir ah isula qaateen.

Mr Farey oo la hadlayey gabagabada shir ay yeesheen gudoomiyeyaasha degaanada, ayaa ku booriyey in ay waajibaadkooda u gutaan si hufan.

Mas’uuliyiinta degaanadiisa ay kusuu noqnoqdaan falal liddi ku ah ammaanka ayuu xusay in loo yeeri doono su’aallana laga waydiin doono.

Dhinaca kale, gudomiyaha gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa ka dhawaajiyey in uu socdo qorshe la isugu furayo wadooyinka Koonfur Galbed iyo gobolka Banaadir.

Ibraahim Aadan Najax ayaa rajo wanaagsan wuxuu ka muujiyey in qorshahaasi uu noqdo mid miro dhala, wuxuuna ku booriyey gudoomiyeyaasha in ay qayb ka qaataan.

Hoos ka dhageyso codka

https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/Koonfur-Galbeed.mp3

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this