Deeq A. Posted October 11, 2019 Boosaaso (SMN) – Ciidamadda ammaanka Puntland ayaa qaybo kamid ah gobolka Barri waxay ka sameeyeen howlgalo Miino baaris ah. Howlgaladda ayaa waxaa si gaar ah ay uga dhaceen inta u dhaxeysa degaanadda Balikhadar iyo buuraha Galgala ee gobolkaas. Saraakiisha ayaa sheegay in dagaalameyaasha Al-Shabaab ay halkaas ku aaseen Miinooyinka kadib markii laga saarey. Gobolka Barri ayaa waxaa fariisimo iyo saldhigyo kuwada leh dagaalameyaasha hubeysan ee Al-Shabaab iyo Daacishta Soomaaliya. View the full article Share this post Link to post Share on other sites