Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab oo madaafiic ku weerartay saldhig ciidan

Recommended Posts

Deeq A.   

Buulaburde (SMN) – Dagaalameyaasha Al-Shabaab ayaa sheegtay in ay madaafiic ku weerareen saldhig ciidamada Jabuuti ee Buulaburde.

War qoraal ah oo Shabaab kasoo baxay ayaa lagu tilmaamay in ay khasaaro kasoo gaartay askarta ka tirsan howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.

Dhinaca kale, ma jiro wax war ah oo ku aadan weerarkan oo illaa iyo haatan kasoo baxay taliska ciidanka AMISOM iyo midka Soomaaliya.

Maamulka degmada Buulaburde ee gobolka Hiiraan ayaa ka gaabsaday in uu fahfaahin dheeraad ah ka bixiyo dhacdadan.

Geesta kale, Al-Shabaab ayaa la sheegayaa in ay dadka degaanka mamnuucday in ay ka akdhowaadaan ciidanka ayna la sameeyaan gaancsi.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this