Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Farmaajo oo gaaray Addis Ababa

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Addis Ababa caasimadda waddanka Ethiopia halkaasu oo uu ku soo dhoweeyay Ra’iisul Wasaaraha dalkaasi Abiy Axmed.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka qeyb galaya Shir Madaxeedka dalalka ku midaysan Urur Goboleedka IGAD oo ka furmaya magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia kaasi oo looga hadli doono arrimaha waddamada ku bahoobay urur goboleedka IGAD.

Sidoo kale Magaalada Addis Ababa waxaa ku sugan madaxda dalalka Koofurta Sudan iyo Kenya oo uu weheliyo Ra’iisul wasaaraha Ethiopia waxaana la sugaya madax kal oo shirka ka qeyb-gelaysa.

  • 1-8.jpg?w=1000&ssl=1
  • 2-7.jpg?w=1000&ssl=1
  • 3-5.jpg?w=1000&ssl=1
  • 4-6.jpg?w=1000&ssl=1
  • 6-6.jpg?w=1000&ssl=1
  • 3-7.jpg?w=1000&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Farmaajo oo gaaray Addis Ababa appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this