Deeq A. Posted October 10, 2019 Boosaaso (SMN) – Taliska Booliska gobolka Bari ee maamul goboleedka Puntland ayaa Khamiista maanta ah wuxuu soo bandhigay Maandooriyeyaal ay qabtaan. Saddex ruux oo gaari nooca xamuulka ah ku waday khamriga ayay saraakiishu sheegeen in ay xabsi ku jiraan ayna wajahayaan cadaaladda. Xuseen Cali Maxamed, taliyaha bileyska qaybta gobolka Bari, ayaa xusay in raggaan lagu soo qabtay howlgal ay sameeyeen xoogaga dowlad goboleedkaas. Dhinaca kale, taliyaha guud ee booliska Puntland, ayaa shacabka wuxuu uga digay in ay isku qabsadaan dhulalka danta guud ah. Sareeye Guus Muxuyadiin Axmed Muuse ayaa hoosta ka xariiqay in howlgaladda ay arrintaas ku dhaqan-gelinayaa ay meel wanaagsan marayaa. Hoos ka dhageyso codka https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/Puntland.mp3 View the full article Share this post Link to post Share on other sites