Deeq A. Posted October 10, 2019 Garowe (SMN) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa lagu soo dhoweeyey magaaladda Kismaayo ee xarunta ku-meel gaarka ah ee Jubbaland. Wafdiga Madaxweyne Deni oo ka qeyb-gelaya Caleema-saarka Axmed Madoobe ayaa ka kooban Masuuliyiin isugu jira Heer Federaal iyo Heer Puntland, waxaa ka mid ah Senator Cabdiraxmaan Faroole. Axmed Maxamed Islaam ayaa dadka qaarkii waxay u aqoonsan yahay madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland. “Aad baan ugu faraxsanahay sida diirran oo Dowladd iyo Shacaba naloo soodhoweeyay, waan ka mahadnaqeynaa, waa waajib na saarnaa maadaama Madaxweynuhu dhowrjeer horey noo soo booqday in aan anagana soo booqano la wadaagno Farxadaha iyo Murugadaba,” ayuu yiri Deni. View the full article Share this post Link to post Share on other sites