Sign in to follow this  
Deeq A.

Sheekh Shariif iyo Xildhibaano oo ku wajahan Kismaayo

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Axmed, ayaa waxaa lagu waramayaa in uu kusii jeedo Kismaayo, xarunta ku meel gaarka Jubbaland.

Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya ayaa waxaa la sheegayaa in ay qayb ka yihiin wafdiga u ambabaxaya xarunta gobolka Jubadda Hoose.

Xubnahan ayaa waxaa la sheegayaa in ay ka qeybgeli doonan caleema saarka Axmed Madoobe oo dadka qaarkii u aqoonsan yihiin madaxweynaha loo doortay Jubbaland.

Xildhibaan Yuusuf Xuseen Gamaa diid oo qayb ka ah wafdiga ayaa Shabelle wuxuu uga warbixiyey ujeedka safarkooda.

Mudanaha oo xusay in ay qaadanayaa amarka dowladda ayaa ka dalbaday xukuumada in ay si hoose u eegto qaladaadka loo tirinayo shaqsiyaadka qaarkii sida Axmed Madoobe.

Isaga oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu carabka ka adkeeyay in loo baahan yahay in hadii Axmed Madoobe qaladaad ay ku cadaadana maxkamad lasoo taago.

Hoos ka dhageyso warka oo cod ah

https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/Gamaa-diid.mp3

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this