Deeq A. Posted October 10, 2019 Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa waxaa uu magacaabay labo Taliye Ciidan. Madaxweyne Farmaajo ayaa magacaabistaan kusoo saaray wareegto rasmi ah oo kasoo baxday Villa Somalia. Taliyaasha la magacaabay ayaa kala ah: 1- S/Guuto Mahamed Cali Bariise Taliye kuxigeenka CXDS 2- S/Guuto Cabdihamid Maxamed Dirir Taliyaha Ciidanka Dhulka/Lugta. Taliye kuxigeenka Cusub ee Ciidamada xoogga dalka ayaa bedelay taliye kuxigeenka hore ee Ciidanka Xoogga Cabdi Xasan Maxamed Xijaar kaas oo loo Magacaabey Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliyeed halka Taliyaha Ciidanka dhulka uu bedelay Odawaa Yuusuf Raage oo loo Magacaabey Taliyaha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com Share this post Link to post Share on other sites