Sign in to follow this  
Deeq A.

Diyaaradaha Turkiga Oo Duqeyn Sababtay Dhimasho Ka Geestay Gudaha Dalka Suuriya

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Suuriya)-Ugu yaraan 7 qof ayaa ku dhintay halka tiro kalena ay ku dhaawacmeen duqeyn diyaaradaha dagaalka Turkiga ay ka geesteen gobolka Idlib ee dalka Suuriya.

Turkiga ayaa bilaabay howlgal ka dhan ah maleeshiyada Kurdida ee YPG iyo dagaalyahanada kale ee ku sugan deegaanada u dhow xadka labada Wadan.

1570651118aa0ea.jpg

Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in weerarkan ay oga gol leeyihiin sidii deegaan ka caagan colaada looga dhigi lahaa Aagaasi.

Hey,ada xuquuqda aadanaha ee fadhigeedu yahay UK ayaa dhankeeda xaqiijisay in dhimashada laga yaabo in ay sare u kacdo maadaama 11 ruux oo sadax ka mid ah ay yihiin dagaalyahanada SDF ay ku dhinteen duqeynta Turkiga.

Dhanka kale qaramada midoobay ayaa walaac ka muujisay howlgalka Turkiga uu ka bilaabay waqooyiga Suuriya

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this