Deeq A. Posted October 10, 2019 Muqdisho (SMN) – Xukuumadda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in lasoo afjaray khilaafkii kala dhaxeeyay dowlad goboleedka Puntland. Wasiirka Arrimaha Dibadda, Axmed Ciise Cawad oo horkacayey wafdi ay dowladda u dirtay Boosaaso, ayaa xusay madaxda maamulkaas ay la galeen wada hadalo. Wada xaajoodyadda oo socday muddo ku siman 8-saacadood ayaa waxaa laysla soo qaadeen in sidii ay isugu soo dhowaan lahaayeen labadda dhinac. Mr Cawad oo markii ay Muqdisho kusoo laabteen la hadlay warbaahinta ayaa rajo wanaagsan ka muujiyey in uu dhamaado ismaandhaafka. Balse waxa uu carabka ku adkeeyay in aysan is-faham ka gaarin doorashadda Jubbaland, wuxuuna caddeeyay in uusan waxbo iska bedelin mowqifkeeda coddeyntaas. Ugu dambeyntii, wuxuu kalsooni weyn ka muujiyey in arrinta Jubbaland-na ay is-afgarad ka gaari doonan muddada soo aadan. View the full article Share this post Link to post Share on other sites