Deeq A. Posted October 10, 2019 Dhuusamareeb (SMN) – Dadweynaha ku nool magaaladda Dhuusamareeb, caasimadda Galmudug, ayaa soo dhaweeyay guddiga ay magacowday dowladda federaalka. Guddigaas oo uu bogaadiyey madaxweyne Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa ka shaqeynaya maamul dhisidda dowlad goboleedkaas. Shacabka oo la hadlay Shabelle ayaa waxay rajo wanaagsan ka muujiyeen in guddiga oo ay khuburo ku jiraan in ay waajibaadka si fiican u gutaan. Dowladda Federaalka ayey uga mahad-celiyeen in ay soo magacowday Guddi ay sheegeen in ay u dhan yihiin bulshadda qeybaheeda kala duwan. Xukuumadda Soomaaliya ayaa dedaal weyn waxay ku bixineysaa sidii Galmudug ay noqon lahayd maamul mideysan oo loo wada dhan yahay. Hoos ka dhageyso warka oo cod ah https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/Dhuusamareeb.mp3 View the full article Share this post Link to post Share on other sites