Deeq A. Posted October 10, 2019 Muqdisho (SMN) – Gudoomiyaha Aqalka Sarre ee baarlamaanka Soomaaliya, Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa baaq u diray xukuumadda federaalka. Mr Cabdi ayaa wuxuu ku tartarsiiyey in ay soo dhisto Golaha Adeega Garsoorka, soona magacowday gudoomiyaha Maxkamadda Dastuuriga ah Soomaaliya. Dhismaha hay’addahan ayuu rumeysan yahay in ay xal u noqon karto khilaafka mararka soo kala dhex-galay xukuumadda iyo maamuladda qaarkood. Aqalka Sarre ayuu hoosta ka xariiqay in uu door firfircoon ka cayaari doono sidii loosoo afjari lahaa xalna looga gaarin lahaa khilaafyadda jira. Hadalkan ayuu ka sheegay munaasabadda furitaanka kalfgadhiga 6aad ee baarlamaanka federaalka, taasi oo ka qabsoontay Muqdisho. Hoos ka dhageyso codka https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/10/Xaashi.mp3 View the full article Share this post Link to post Share on other sites