Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Deni iyo wefdi uu hoggaaminayo oo Kismaayo u dhoofay

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Maxamed iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa hadda u dhoofay magaalada Kismaayo ee xarunta KMG Jubaland halkaasi oo uu kaga qeyb-galayo caleema-saarka madaxweyne Axmed Maxamed Islaam.

Madaxweynaha iyo wefdigiisa oo ka kooban wasiiro iyo xildhibaanno waxaa garoonka diyaaradaha Garoowe ku sii saagootiyay xubno ka tirsan golayaasha dowladda saraakiil ka socotay madaxtooyada iyo mas’uuliyiin kale.

Safarka madaxweynaha Puntland oo qorshaysnaa in uu shalay gaaro magaalada Kismaayo si uu uga qeyb-galo caleema-saarka madaxweynaha mar kale la doortay ee Jubaland Axmed Maxamed Islaan ayaa u baaqday sababo aan la shaacin.

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Deni iyo wefdi uu hoggaaminayo oo Kismaayo u dhoofay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this