Deeq A. Posted October 9, 2019 Muqdisho (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax gaari oo ka dhacay isgoyska Baar Ubax ee degmada Howlwadaag ee Muqdisho. Goobjoogeyaal ayaa u sheegay idaacadda Shabelle in weerarka uu ka dhashay Miino lagu soo rakibay gaariga gaar ahaan qaybta darawalka. Hal qof ayaa la xaqiijiyey in uu ku dhintay falkan. Cali Neero Macalin Maxamed oo dhaawac ahaan looga qaadey meesha ayaa ku geeriyoodey Isbitaalka. Marxuumka ayaa waxaa la sheegay in uu kamid yahay ganacsatadda Soomaaliyeed. Ma jirto koox sheegatay mas’uulkan dilkan. Laamaha ammaanka dowladda federaalka Soomaaliya ayaa nan wali wax war ah kasoo saarin falka lagu khaarijiyey Cali Neero. Xaaskiisa oo la socotay gaariga ayaa la sheegayaa in ay ka badbaaday qaraxa oo jugtiisa laga maqlay qaybo kamid ah Muqdisho. View the full article Share this post Link to post Share on other sites