Deeq A. Posted October 9, 2019 Muqdisho (Caasimadda Online) – Wararka naga soo gaarayo Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa sheegayo in Mooshin laga gudbiyey Wasiir ka tirsan Xukuumadda uu hoggaamiyo Ra’isulwasaare Xasan Cali Kheyre. Mooshinka ayaa waxaa laga gudbiyey wasiirka wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Salaad Oomar. Xildhibaan Maxamed Idriis iyo qaar kale oo ka tirsan Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa mooshinkaan u gudbiyey guddoonka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya. Kullamada ugu horreeyo ee kala fadhiga 6-aad ee Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta furmay ayey sheegeen Xildhibaanada gudbiyey mooshinka in laga doodi doono. Wasiir Oomaar ayaa lagu soo eedeeyey laba qodob oo kala ah: 1) Ku tumasho qodobo dastuuri ah 2) xad gudub ka dhan ah xaquuqda aadanaha. Weli faahfaahin buuxda lagama helin tirada Xildhibaanada gudbiyey mooshinka ka dhanka ah Wasiir Oomaar, waxayna u badan tahay in lagu heysto amaradii xayiraadda lagu saaray Magaalada Kismaayo ee Caasimadda Jubbaland. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com Share this post Link to post Share on other sites