Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Oo Maanta Ka Qeyb-galay Munaasibadda Qalin-Jebinta Jaamacadda Admas

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Mudane, Dr.Cabdiraxmaan MaxamadCabdilaahi (Cirro) iyo Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan xisbiga kana mid ahaa siyaasiga weyne ee C/laahi, Geel-jire, Af-hayeenka guud ee Xisbiga Barkhad Batuun, Iyo Xoghayaha Arrimaha Dibadda Marwo Faadumo Siciid Guddoomiyaha dhallinyaradda, Mudane, Dhamme, Xog-hayaha Duulista Nuuradiin-diini, Xog-haye xigeenka Amniga Mudane, Sacad Balaaki.

72553788_2227181897579223_54295514162617

ayaa maanta ka qeyb galay Munaasibadda Qalin-jebinta dufcadda 11aad ee Jaamacadda Admas qeybteeda Magaaladda Hargeysa. Guddoomiye Cirro oo ardeydu ku qaabishay marku madasha soo galay sacab iyo sawaxan kal-gaceyl weyni ku dheehan yahay ayaa hadal u munaasibadda ka jeediyey Ardeyda ugu hambalyeeyey guusha ay muddada dheer soo wadeen iyo geedigooda waxbarasho.

Guddoomiyaha ayaa ardeyda si weyn ugala hadlay kaalinta ay ku leeyihiin horumarka dalka iyo hawsha hortaal isago Allena uga baryey iney noqdaan kuwa dalka iyo dadka cilmigooda Alle ku anfco,

ugu dameyntiina waxa u Guddoomiye Dr. Cirro guddoonsiiyey shahaadooyinki dhammaan Ardeyda ka qalin-jebisay kuuliyadaha kala duwan ee Jaamacadda Admas iyado Maamulka iyo Madaxda Jaamacadduna si weyn ugagag mahadceliyeen Guddoomiyaha joogitaankisa munaasibadan iyo ag joogsiga ardeyda jaamacadda maanta ka baxday.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this