Sign in to follow this  
Deeq A.

Mareykanka Oo Xayiraad Dhanka Socdaalka Ah Ku Soo Rogay Madax Ka Tirsan Dawladda Shiinaha

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Washington)-Dowladda Mareykanka ayaa xayiraad dhanka Socdaalka ah ku soo rogtay xubno ka tirsan dowlada Shiinaha, kuwaasi oo lagu eedeeyay in dhibaato ay ku hayaan qowmiyada Muslimiinta ee ku nool gobolka Xinjiang.

1570597808d2ded.jpg

Xukuumada Washington ayaa intaa ku dartay in xayiraada dhanka safarada Mareykanka ay ku tagayaan ay taagnaan doonto inta saraakiishan ay wadaan tacadiyada ka dhanka ah qowmiyada Uighurs ee ku dhaqan galbeedka Dalkaasi.

War saxaafadeed ka soo baxay wasaarada arimaha dibada Mareykanka ayaa lagu yidhi waxaan xayiraad dhanka safarada Mareykanka ku soo rognay xubno ka tirsan xisbiga Communist oo aan aaminsanahay in ay mas,uul ka yihiin xadgudubyada iyo xanibaada lagu hayo muslimiinta gobolka Xinjiang.

Lama sheegin magacyada saraakiisha dowlada shiinaha oo xayiraada laga saaray in ay u safraan Mareykanka

Wasiirka arimaha dibada Mareykanka Mike Pompeo ayaa ugu baaqay dowlada shiinaha in ay ooda ka qaado dhamaan dadka ay ku xanibtay xeryaha una ogolaato muslimiinta ku nool dibada inay dib ugu laabtaan Gobolkaasi.

Mr Pompeo ayaa sheegay in ilaalinta xuquuqda aadanaha ay tahay waajibaad saaran loogana baahan yahay dhamaan wadamada in ay Dhowraan.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this