Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Deni oo ka baaqday safarkii Kismaayo uu maanta ku tegi lahaa

Recommended Posts

Deeq A.   
Deni-safar.jpeg?w=1000&ssl=1

Madaxweynaha dowladda Puntland iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa sabab aan wali la shaacin uga baaqday safar ay maanta ku tegi lahaayeen magaalada Kismaayo, halkaasoo lagu wado in maalinta berrito ah lagu qabto caleemo-saarka Axmed Madoobe.

Ka hor baaqashada madaxweyne Deni iyo wafdigiisa, waxaa warbaahinta Jubbaland ay shaacinaysay in wafdiga Puntland laga sugayay garoonka Kismaayo, halkaasoo loogu diyaariyay soo dhoweyn balaaran.

Madaxweyne Deni oo Boosaaso kasoo duulay maanta barqadii, waxaa garoonka diyaaradaha Garowe ku sugayay wafdi kale oo uu ka mid ahaa madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Faroole, kuwaas oo u raaci lahaa Kismaayo.

Balse mar qura ayaa warbaahintu ka war heshay in Madaxweyne iyo wafdigiisii ay soo gaaren aqalka madaxtooyada Garowe, waxaana saraakiil Puntland Post la xidhiidhtay ay sheegeen in madaxweynuhu beri tagayo.

Saraakiil ka tirsan xafiiska madaxweynaha oo aan la xidhiidnay, ayaa ku gaabsaday in madaxweynaha iyo wafdi kasii raacaya Garowe ay berrito aroortii ku wajahan yihiin Kismaayo.

Warbaahinta qaar ayaa tebinaysa in safarka madaxwyenuhu u baaqday sababo la xiriira garoonka Kismaayo oo aan laga degi karin waqti habeen ah, hase yeeshee warbaahinta Puntland Post warkaas xaqiiqo uma hayso.

Ma jirto culays madaxweyne Deni iyo wafdigiisa ka saaran inay Kismaayo u safraan, hase yeeshee cilado farsamo oo aan weli dowladdu shaacin ayaa keentay baaqashada wafuuda Puntland.

Maxkamada sare ee Soomaaliya ayaa laashay cadaadiskii xagga safarka ee ay dowladdu federaalku kusoo rogtay duulimaadka Kismaayo, waxaana lagu wadaa in magaalada Muqdisho ka tagaan siyaasiyiin horey loo xannibay.

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Deni oo ka baaqday safarkii Kismaayo uu maanta ku tegi lahaa appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this