Sign in to follow this  
Deeq A.

Millatariga Israa’iil Oo Bandow Ku Soo Rogtay Daanta Galbeed Iyo Magaalada Gaza

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Qudus)-Millatariga Israa’iil ayaa bandow ku soo rogay daanta galbeed inta si loogu gogol xaadho wadaad diimeedyo u dhashay Israa’iil oo xus diimeed ku dhigan doono magaalada Qudus.

1570564348aba47.jpg

Sida ay tabisay warbaahinta Falastiin, dowlada Israa’iil ayaa ku dhawaaqday inay xidhnaan doonaan isku socodka wadooyinka daanta galbeed iyo magaalada Gaza
Israa’iil ayaa dhanka kale ku dhawaaqday in aan la isaga gudbi karin xadka ay la wadaagto wadamada dariska la ah inta ay socoto xaflad diimeedka Yahuuda oo loo yaqaan Yom Kippur.

Amarkan ayaa dhanka kale lagu faray in dhammaan gaadiidka dadweynaha iyo kuwa daabula xamuulka xarumaha adeega dadweynaha iyo Tv-yada ay joojiyaan howlahooda inta lagu guda jiro fasaxa labada maalmood ah.

Goobaha kale ee Israa’iil xayiraada saartay ayaa waxaa ka mid ah diyaaradaha ka soo daga madaarka caalamiga ah ee Ben Gurion ee magaalada caasimada ah ee Tel Aviv.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this