Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan oo gaaray Jalalaqsi

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan, Cali Maxamed Caraale iyo wafi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray degmada Jalalaqsi ee gobolkaasi.

Ugu horreyn guddoomiyaha ayaa halkaasi ka bilaabay kulamo xal loogu raadinayo xiisada ka taagan degmadaasi.

Kulamada oo ahaa kuwa xasaasi ayaa waxaa diirada lagu saaray sidii loo xalin lahaa khilaafka y dhexeeya maamulka Jalalaqsi iyo ciidanka Jabuuti ee ku sugan halkaasi.

Weli ma jiro wax war ah oo ka soo baxay maamulka gobolka oo ku aadan shirarkaasi iyo natiijada ka soo baxday.

Dhowaan ayey aheyd markii ciidamada Jabuuti iyo kuwa Booliska HirShabelle ay ku dagaalameen gudaha degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this